Farmaajo Oo Itoobiya Ammaanay, Kenyana Ku Eedeeyay Faragelin- DAAWO

Published: February 13, 2020

Madaxweynaha dowlada fedraalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladaha derisku ay faragalin ku hayaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya,isagoo tusaale u soo qaatay dowladda Kenya.

Madaxweynaha oo waraysi siiyay Telefishanka Universal waxaa uu sheegay inaysan marna ka ogolaan doonin Kenya inay faragaliso arrimaha gudaha ee Somaliya gaar ahaa arrimaha maamulka Jubbaland.

” Waxaa nagu socday muddo dheer faragelin, hadana waa nagu socotaa, dowladaha deriska oo Kenya kow ka tahay waxay nagu hayaan faragelin, taasi shaki kuma jiro oo waxay doonaysaa inay ka faa’iidaysto ha ahaato arrimaha xuduuda bada oo hadda tala maxkamada, Warqad ayaan u qoray oo aan leeyahay faragelinta naga joojiya,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxuu ku ammaanay dowladda Itoobiya inay joojisay inay la macaamisho maamul goboleedyada dalka

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/189130292156698/

” Itoobiya Waxaa naga dhexeeya wadashaqayn fiican xiriir wanaagsan oo waxay joojisay dhaqankeedii hore oo ahayd inay u yeerato dowlad goboleedyada oo la shirto oo kala macaamisho arrimihii annaga ayn nalaga macaamili lahayd” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo

Ugu dambayntii, Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay dowladda Kenya ay joojiso faragalinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee Somaliya gaar ahaan arrimaha maamulka Jubbaland oo uu madaxweynuhu sheegay inaysan aqoonsanayn doorashadii lagu doortay madaxweyne Axmed Madoobe.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *