Kulan looga hadlayay Mashaariicda Horumarineed ee Hirshabeel Oo Lagu Qabtay Baladweyne.

Published: February 13, 2020

Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska isku-dubaridka mashaariicda midowga Yurub (NAO) ee Wasaaradda qorsheynta Qaranka iyo xubno ka tirsan Wasaaradda qorsheynta Hirshabeelle ayaa Maanta kulan looga hadlayay horumarinta mashaariicda ku yeeshay Magaalada Baladweyne.

Kulanka oo ay goob-joog ahaayeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada iyo Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin ka socotay Xafiiska NAO oo uu hoggaaminayay khabiir , Cabdi Muxumad Axmed ayaa lagu soo bandhigay doorka iyo waajibaadka NAO iyo Sida ugu habboon ee loo wada shaqeyn karo .

Shirka ayaa intii uu socday waxaa laysku dhaafsaday aragtiyo la xiriira sidii looga faa’iideysan lahaa mashaariicda kala duwan ee uu midowga Yurub ugu yabooho Soomaaliya oo mas’uuliyad ay ka saaran tahay Xafiiska NAO oo ka mid ah Wasaaradda qorsheynta Qaranka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *