Muuse Biixi Oo Lagu Cadaadinayo inuu Daaha Ka Faydo Qodobadii ay ka Wada Hadleen Farmaajo

Published: February 13, 2020

Guddoomiyaha xisbiga mucaraadka Wadani ee Somaliland C/raxmaan Cirro ayaa ka hadlay sida uu arko kulankii magaaladda Adis-ababa ku dhexmaray madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi.

Guddoomiye Cirro oo maanta dib ugu soo laabtay Magaaladda Hargaysa waxaa uu sheegay inay mucaraadka Somaliland aan waxba lagala socodsiin kulankaasi, waxaana uu ka dalbaday xukuumadda inay shacabka u sharaxdo qodobadkii kulankaasi

“Kulanka Farmaajo iyo Muuse annaga koley qeyb kama aanan ahayn, waxaase waajibku yahay saaran madaxweynaha in uu shacbigiisa si daahfuran uga waramo arrintaas, waxaana mowqifka axsaabta qaranku yahay in wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland laga yeesho talo-qaran, axsaabtu qeyb ka yihiin, dhamaan degaanada Jamhuuriyadda Somaliland-na ay qeyb ka yihiin” ayuu yiri Guddoomiye Cirro

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Wadani C/raxmaan Cirro wuxuu ka hadlay caqabadaha ku xeeran qabsoomida doorashooyinka barlamaanka iyo dowladdaha hoose iyo khilaafka ka taagan guddiga doorashada Somaliland.

Wuxuu sheegay inay weli jirto is-faham la’aan u dhaxaysa madaxweyne Muuse iyo Xisbiyada mucaraadka ee la xiriirta xubnaha la isku khilaafsan yahay ee guddiga doorashada

“Dalka doorasho la’aan kusii socon maayo, Somaliland-na doorasho la’aan kusii jiri meyso aniguna masii joogi karo doorasho la’aan, Muuse-na ma joogayo doorasho la’aan, guusha doorashada in la qabtay madaxweynaha ayaa yeelan doona, guuldarada doorashada in la qaban waayo isagaa yeelan doona”

Dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland ayaan weli faahfaahin dheeri ah ka bixin qodobadii ay ka wada hadleen Farmaajo iyo Muuse Shirkii ka dhacay xafiiska ra’isul Wasaaraha Itoobiya 11 bishan Febraayo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment