Somaliland oo Martiqaad u Fidisay siyaasiyiin ka tirsan xisbiga ANC ee Koonfur Afrika

Published: February 13, 2020

Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, oo safar shaqo in mudda ah ku joogey waddanka Koonfur Africa, ayaa sheegay inuu kulamo ka yeesheen masuuliyiin ka tirsan xisbiga ANC ee xukuuma wadankaasi

Waxana wasiirka wehelinayay safiirka Somaliland u jooga waddanka koonfur Africa, Axmed Jaamac iyo agaasimaha waaxda macdanta ee wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Cumar Yuusuf Cumar, iyagoo la kulmay masuuliyiin iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga  ANC ee talada dalkaasi haya iyo xisbiga SACB oo uu hogaaminayo xoghayaha guud ee xisbigaasi Mr soel mobella.

Wasiirku wuxuu sheegay inuu martiqaad u fidiyey xubno ka tirsan xisbiga ANCe sidii ay u iman lahaayeen Somaliland, si ay indhahooda ugu soo arkaan horumarka dhaqan dhaqaale ee wadanka ka socda, waxaaney balan qaadeen iney dhowaan wafti balaadhan ay u soo diri doonaan Somaliland.

Intaa ka dib wafdiga wasiirku waxa uu la kulmey ganacsato danaynaya maalgashiga Somaliland, waxaanu wasiirku u bayaamiyey fursadaha balaadhan ee laga maalgashan.

Maamulka Somaliland xiriir dimplamaasiyadeed lama laha dowladda koonfurta afrika madaama aan la aqoonsanayn.

HORSEEDEMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *