Taliyaha guud ee AFRICOM oo la kulmey Madaxweynaha Puntland

Published: February 13, 2020

Maraykanku saldhig ciidan miyey Puntland ka samaysanayaan?

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa garoonka diyaaradaha ee Bosaso kula kulmey taliyaha guud ee ciidanka Maraykanka ee AFRICOM General Stephen J. Townsend.

Kulankan ayaa daba socdey kulmo isadaba jooga oo saraakiil iyo diblomaasiyiin Maraykan ah ay la yeelanayeen Madaxweynaha Puntland. War ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha puntland ayaa lagu sheegay in ay ka wada hadleen taliyaha ciidanka AFRICOM General Stephen J. Townsend, amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Warar Horseed Media ka heshey ilo kala duwan ayaa sheegaya in Maraykanku qorshaynayaan in ay saldhig weyn oo ciidan ka sameeyaan gudaha Puntland, isla markaana la balaarinaayo hawlihii ay horey uga qaban jireen Puntland. Maraykanka ayaa muddooyinkii danbe hoos u dhigey shaqada saldhigga weyn ee ay ku lee yihiin dalka Jabuuti, waxaana ay u badan tahay in la ballaariyo saldhigyada ay Soomaaliya ku yeelanayaan.

Maraykanku waxay hadda taageero siiyaan ciidanka gaarka ah ee loo yaqaan PSF, kuwaas oo la dagaalama ururada al-Shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaaleysta buuraleyda gobolka Bari qaarkood.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *