Boqor Burhaan oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Al-Qaydah Yaman.

Published: February 14, 2020

Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo mudooyinkaan ku sugnaa Dalka Yaman ayaa deeq raashin oo isugu jirta noocyada kala duwan ee cunooyinka daruuriga ah gaarsiiyay Qoysas soomaaliyeed oo ku nool Magaalada Al-Qaydah ee Dalka Yaman.

Ku dhowaad 150 qoys ayaa deeqdaan ka faaidaystay, Boqor Burhaan ayaa qoysaskaan ilaah uga baryay in uu amaansado, Sidoo kale waxa uu u mahadceliyay Shacabka Yaman sida ay u soo dhaweeyeen walaalahooda Soomaaliyeed, Waqtiga dheerna ay dalkooda ugu noolaayeen, Soomaalida iyo Beesha caalamka ayuu faray in dadka ku dhiban Dalka yaman laga warhayo loona Gurmado.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *