Meherad ku taal Magaalada Kismaayo oo bomb-gacmeed lagu weeraray.

Published: February 14, 2020

Sida ay baahisay warbaahinta Gudaha waxaa habeenimadii xalayto bomb-gacmeed lagu tuuray mid ka mid ah meheradaha ay isku yimaadaan dadka shacabka ah taas oo ku taal isgoyska Golol kuna dhow aargada magaalada Kismaayo.

Sida ay warbaahintu tebisay ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhaawacmay, sidoo kale lama xaqiijin in weerarkaan ay cidi ku dhimatay, qofkii falkaan gaystay ayaa goobta ka baxsaday isaggu. Dawlada Jubaland ayaan iyaddu weli si faahfaahsan uga hadlin weerarkaan.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *