8 qof oo Lagu Dilay Duqayn Ka Dhacday Bariga Wadanka Afghanistan

Published: February 15, 2020

Ugu yaraan 8 qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay weerar la rumaysan yahay inay qaadeen Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsand dowladda afganistan.

Afhayeen u hadlay Guddoomiyaha gobolka bariga Afganistan ee Nangarhar Attaullah Khogyani waxaa uu sheegay in dadka shacab ah oo saarnaa labo gaari ay ku dhaceen gantaalo ay soo gananeen diyaaradaha Maraykanka.

Weerarkan ayaa ka dhacay degaanka Sur Rod oo ay ka taliyaan ururka Daalibaan

Dowladda Afganistan ayaa sheegtay inay baarayaan weerarka, Halka ururka Daalibaan ay cambaareeyeen weerarkaasi, dhinaca kale ma jirto war ka soo baxay ciidamada Maraykanka ee ku sugan afganistan oo la xiriirta dhacdadaasi

Dhinaca kale Shahraa-yar Mascuud oo ka mid ah hoggaamiyaasha ugu waaweyn kooxda Daalibaan oo ka hawli gali jiray dalalka Pakistan iyo Afghanistan ayaa lagu dilay Afghanistan, wuxuuna si gaar ah hoggaanka ugu hayay kooxda mintidiinta ah ee Xakiim Al-mascuud oo ka tirsan xoogagga Daalibaan.

Bayaan ay soo saartay kooxda Daalibaan ayay ku sheegtay in Shahraa-yar Mascuud uu dhintay kadib markii loo dhigay miinada dhulka lagu aaso meel waddada dhinaceeda ah, xilli uu ku siijeeday gobolka Kunaar oo ku yaalla waqooyiga Afghanistan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *