Maxkamada Degmada Garowe oo u fariisatay Kiisas la xiriira Dil, Kufsi iyo Furasho.

Published: February 15, 2020

Maxkamada Degmada Garoowe ayaa maanta u fariisatay kiisas isugu jira Dil, kufsi iyo dhac kaas oo maxkamada loo horkeenay eedaysanayaal kala duwan.

Maxkamada ayaa maanta kiisaska ay u fariisatay waxaa ka mid ahaa dil iyo Kufsi 11-4-2019 Magaalada Garoowe loogu gaystay marxuumad Hodan Axmed Shanlayste oo ahayd hooyo xaas ah.

Eeda kiiskaan ayaa maxkamada loo horkeenay 7 eedaysane, dhagaysiga dacwada xeer ilaalinta ka dib Maxkamadu waxay go’aamisay in sabtida soo socota 22ka Bishaan mar kale loo fariisto kiiskaan.

Sidoo kale Maxkamadu waxay maanta xukuntay nin kufsi u gaystay Gabar aan weli guursan, 5 sano oo xarig ah, 1000 dollar oo ganaax ah iyo in uu bixiyo lacag ” Mehrul-Misli” ah ayay maxkamadu ku xukuntay.

Maxkamada Garoowe waxay sidoo kale maanta xukun 2 sano ah iyo ganaax lacageed ku riday dhalinyaro qiratay in ay furan jireen taleefoonada, Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland Maxamed Xareed ayaa waalidiinta Puntland ugu baaqay in ay ceshadaan caruurahooda, marka gacanta lagu dhigona aysan ka daba-imaan.

Maxakamada Puntland ayaa mudooyinkii danbe si adag u xukumayay kiisaska la xiriira Kufsigga, dhawaan ayay ahayd Markii Magaalada Boosaaso lagu toogtay 2 ka mid 3 nin oo lagu xukumay dil kuwaas oo maxkamadu ay ku heshay in ay ka danbeeyeen kiis kufsi ah oo gabar yar oo lagu magacaabo “Caasho Ilyaas” loogu gaystay Magaalada Gaalkacayo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *