Saudi Arabia oo beenisay in Amiir Salmaan uu la kulmayo Netanyahu.

Published: February 15, 2020

Wasiirka Arimaha Dibadda Dawladda Sacuudigga ayaa ka hadlay warar maalmihii danbe ay qorayeen Warbaahinta carabta kaas oo la xiriiray in ay kulmi doonaa Dhaxal Sugaha Boqortooyadda Sacuudigga Maxamed Binu Salmaan Iyo Raysal Wasaarada Israel Netanyahu.

Amiir Faisal bin Farhan ayaa u sheegay shabakada Al Arabiya in uusan jirin wax kulan ah oo la qorsheeyay Sacudi Carabiya iyo Israel “ Siyaasadda Sacuudi Carabiya waxa ay ahayd mid cad tan iyo markii uu bilowday khilaafka, Mana jiro wax xiriir ah oo u dhexeeya Sacuudiga iyo Israel waxayna Boqortooyada garab taagan tahay Falastiin” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Sacudi Carabiya.

Natanyahu ayaa dhawaan Maraykanka ugu qayb-galay soo bandhigista Qorsha Maraykanka ee Barigga Dhexe, Qorshahaas ayaa markale xaalada cirka ku shareeray. guud ahaan waddama Islaamka iyo kuwa qaaradda Afrika ayaa kasoo horjeestay iyagga oo ku eedeyay Trupt in uu soo bandhigay qorshe ay wadatay Dawlada Israel.

Netanyuhu ayaa bisha so socota ka qaybgali doona doorashada Guud ee Dalka Israel, waxa uu sidoo akle dhawaan booqasho ku yimi Dalka Uganda halkaas oo uu kulamo kula qaatay qaar ka mid ah hogaamiyayaasha waddamada Afrika.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *