Wasiir Ducaale ” Dhagxaanta Wadooyinka Muqdisho taala dhawaan waa la qaadi doonaa”

Published: February 15, 2020

Maxamed Abuukar Isloow Ducaale Wasiirka Amnigga Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo waraysi siinayay Telefishanka Universal ayaa ka hadlay dhawr arimood oo la xiriira xaalada Guud ee Dalka, Sida Amnigga Caasimada, Wadooyinka xiran, dilkii loo gaystay ilaaladii Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo fakashadii Wasiirka Amnigga Jubaland Cabdirashiid Janan.

Wasiir Isloow ayaa ugu horayn sheegay in dawladu ay waddo qorshe dhegxaanta looga qaadayo wadooyinka Magaalada Muqdisho maadaama ay caqabad ku yihiin isu socodka dadweynaha ee magaalada, Wasiirka Ayaa tilmaamey in ay dadweynaha reer Muqdisho dhibaato ku qabaan dhegxaanta lagu jaray wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada.

Wasiir Isloow waxa uu sheegay in fakashada Wasiir Cabdirashiid Janan ay ku socoto baaris, Waxa uu Dawladda Keenya ka codsaday in eedaysanhaas gacanta loo soo geliyo sidii dawladu usoo qaban-lahaydna lagala shaqeeyo.

Dhanka kale Wasiirka Amnigga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale ayaa sheegay in dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay Mag-dhaw ka bixisay dilkii loo gaystay Ilaaladii Siyaasi Cabdiraxmaan cabdishakuu Warsame. Sidoo kale mar wax laga waydiiyay Diyaaradi hawadda ee laga celiyay ee ay saarnaayeen Madaxdii hore ee DFS waxa uu tilmaamey in hab madaxweynayaal lagu xaliyay arinkaas.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *