Xuutiyiinta oo Sheegay Inay Soo Ridaan Diyaarad Dagaal oo Sucuudigu leeyahay

Published: February 15, 2020

Mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee boqortooyada Sucuudiga ayaa ku burburtay gobolka waqooyiga yemen ku yaal ee Aljawf sida ay sheegtay wakaalada wararka Sucuudiga ee SPA .

Kooxda Xuutiyintii ayaa sheegtay inay soo rideen diyaaradaas oo nooceedu ahaa Tornado, hase yeeshee Afhayeen u hadlay xulafada Sucuudiga ee Yemen waxaa uu sheegay in diyaaradu ay soo dhacday xili ay ku guda jirtay howlgal lagu caawinayay ciidamada Yemen.

Xuutiyiintu waxay sheegeen in gantaal nooca lidka diyaaradaha oo ay ka ganeen dhulka uu soo riday diyaarada Sucuudiga.

Dhinaca kale, Xuutiyiintu waxay ku eedeeyeen diyaaradaha xulufada sucuudigu hoggaamiyo ay duqaymo ku dileen ugu yaraan 30 qof oo shacab ah gobolka Al-jawf maalintii shalay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *