Bukaankii ugu horeeyay ayaa Cudurka Coronovirus ugu geeriyooday Qaarada Yurub.

Published: February 16, 2020

Magaalada Paris ee Dalka France waxa ku geeriyooday bukaankii ugu horeeyay ee qaada cudurka faraha ba’an ku hayya Dalka China ee Coronovirus, sida ay xaqiijisay wasiirka caafimaadka Faransiiska Agnes Buzyn. Dalxiise u dhashay dalka Shiinaha oo 90 jir ah kana tegey gobolka Hubei ayaa ugu dhintey cudurkan isbitaal ku yaal magaalada Paris.

Odaygan da’ada ah ee geeriyooday ayaa yimid magaalada Paris 16kii bishii hore waxaana lagu dhigay 25kii bishii Janaayo isbitaal halkaas oo lagu karantiilay. Illaa hadda dadka u geeriyooday cudurkan ayaa marka laga reebo gudaha dalka Shiinaha waxaa hore ugu geeriyootay dalalka Hong Kong, Philippines iyo Japan saddex ruux.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *