Gudoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland oo ka hadlay Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Hargaysa.

Published: February 16, 2020

Saleebaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Golaha Guurtida Soomaaliland ayaa ka hadlay wararka soo baxayay oo sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu tagayo Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.


Gudoomiye Saleebaan ayaa sheegay in Somaliland cadaadis iyo codsiyo dhowr ah uu so jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kana codsaday inay labaduba yimaadaan Magaalada Hargeysa, sidu sheegay
Gudoomiye Saleebaan ayaa xusay in Xukuumadda Soomaaliland diidey in Madaxweyne Farmaajo uu yimaado Hargeysa.


Hadalka Gudoomiyaha Guurtida Soomaaliland ayaa imaanaya xilli warbaahinta qaarkeed iyo baraha bulshada lagu daabacay in  golaha  Wasiiradda Somaliland ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen soo jeedinta Madaxweyne Muuse Biixi ee ahaa in uu Hargeysa ka dago Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *