Askari qof shacab ah u gacan-qaaday oo la ruqseeyay.

Published: February 17, 2020

Waxaa saaka si wayn baraha bulshada u haystay muuqaal lagu taleefoonadda gacanta kaas oo muujinaya askari ka tirsan ciiidamada Booliska Somaliland oo u gacan-qaadaya qof dumar ah.

Saacad ka dib taliska ciidamada Booliska Somaliland ayaa ka jawaabay dhacdadaas waxaa taliyaha ciidamada Boolisku uu ruqseeyay askaragii falkaas gaystay oo lagu magacaabo Mahad Abdi Osman.

”Waxaanu shaqada ka ruqsaynay Sadex alifle Mahad Abdi Osman maadaama uu ruux dumar ah ku gacan qaaday badhtamaha Hargeysa. Boolisku waaa saaxiibka dadweynaha mana aqbalaynin ficilada noocan ah” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Waa waxay dumarka Soomaliyeed marka qurbaha tageen uyiraahdeen xoriyad baan helnay xagee lagu arkay dambiilaha kiiqabanayay oo shacabka u canshuurtooda qadanayo dilaayo siiba dumar walay Soomali waalagudulmanyahay nin raga oo dumar ugacan qadaya xagay cadalad kahelaysa