Xubun ka Tirsanaa Alshabaab oo ciidamada DFS Isku-soo dhiibay

Published: February 17, 2020

Ciidamada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku suggan Degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa warbaahinta u soo bandhigay xubin ka tirsanaa Ururka Alshabaab kaas oo sheegay in isaggu uu dawlada lasoo xiriiray isuna soo dhiibay.

Colaad Cabdiraxmaan Xirow oo ah sarkaalka la soo bandhigay ayaa muddo 11 sano ah kamid ahaa dagaalamayaasha Alshabaab, waxa uu sheegay inuu ahaa darawal uuna la soo xiriiray saraakiisha ciidamada dowlada sidaasna uu ku yimid magaalada Xudur.

Ibraahim Isaaq Gudoomiyaha Degmada Xudur  in dawlada ay waddo baaritaano dheeraad ah oo lagu sameyn doono sarkaalkaan ka soo goostay Ururka Al-Shabaab.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *