Eedaymo Cusub oo Lagu Soo Oogay Madaxweynihii Hore ee Suudaan

Published: February 17, 2020

Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar xasan Albashiir oo hadda ku xiran xabsi ku yaal dalkaasi ayaa lagu soo oogay eedaymo cusub oo ah Musuqmaasuq, Maalgalin ururo argagixiso iyo eedaymo kale

Xeer Ilaaliyaha ee Suudaan ayaa sheegay inay suurtagal tahay in madaxweynihii hore inuu qayb ahaan masuul ka ahaa maalgalinta ururka akhwaanul muslimiin iyo ururo kale oo argagixiso oo caalami ah,

Albashiiri waxaa kaloo lagu soo eedeeyay inay haystay lacago sharci darro ah iyo inuu ka iibiyay maalgaliyayaal ajnebi ah saamiyo shirkadaha telefoonada ee Mobitel iyo MTN ee Suudaan

 Toddobaadkii hore, xukuumadda kumeel gaar aha ee Suudaan ayaa go’aansatay in madaxweynihii hore lagu wareejiyo Maxkamada dambiyada ee aduunka ee ICC. Albashiir ayaa loo haysto eedaymo la xiriir inuu dambiyo dagaal ka gaystay gobolka Daarfuur ee Suudaan.

Cumar Xasan Albashiir oo muddo 30 sanno xukumayay dalka Suudaan ayaa xukunka laga tuuray bishii April ee sanadkii hore kadib markii ay dalkaasi ka dhaceen banaanbaxyo dhiig badani ku daatay oo looga soo horjoogay xukunkiisa.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *