Jubbaland oo Sheegtay In Kenya Wax Faragalin Ku Hayn Arrimaha Gudaha Somaliya

Published: February 17, 2020

Xubnaha Labada gole ee dawlad goboleedka Jubbaland ee ku sugan gobolka Gedo ayaa war murtiyeed ay ka soo saareen kullan ay ku yeesheen magaaladda Beled Xaawo waxay dawladda federaalka ku eedeeyeen inay gobolka kaka hurinayso xaaladda amni darro.

Xubnuhu waxay murtiyeedkooda ku sheegeen inay cadaynaynaa in dowladda Kenya ayan wax faragalin ah ku hayn gobolka Gedo

“ Waxaanu caddaynaynaa in degmoooyinkan wax garogelin ah Ayan ku haynin dowladda Aan dariska nahay ee Kenya oo aan ka ahayn daris wanaag iyo macaamiil ka dhaxeeya dadka walaalaha ah ee degan labada dhinac”

Xubnaha labada golle waxay ku tilmaameen Eedaymaha loo jeedinayo Kenaya ee ka imaanaysa masuuliyiinta dowlada federaalka ay tahay mid lagu khadlayo ummadda Somaaliyeed laguna banneysanayo qorshaha iyo dano gaar ah oo ay sheegeen in degaanada gobolka ay ka leeyihiin shakshsiyaad ku takri falaya awooda dowladeed

“ Bishan febraayo waxaa degmooyinka Doolow, Luuq iyoBaladxaawo kus oo daabulesay ciidamo la so oqaaday Muqdisho, Caardheere iyo Garbahaaray kuwasoo u abaabulan hab jabhadeed toosna u hoos taga shakhsi xubin ka ah hay’ada nabad sugidda iyo sirdoonka qarank kaas oo ku adeeganaya awooda madaxweyne Farmaajo” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka

Gabagabadii, Xubnaha labada golle waxay  ugu baaqeen  labada golle ee barlamaanka Federaalka, dowlad goboleedyada, hay’adaha garsoorka, madasha xisbiyada qaran iyo beesha Calaamka inay soo faragalinayaan xaalada murugsan ee ka taaagan gobolka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *