Madaxweynaha Somaliland oo Aas-aasay Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somalilland.

Published: February 17, 2020

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland ayaa digreeto kasoo baxday xafiiskiisa waxa uu maanta ku dhawaaqay in la aasaasay sanduuqa horumarinta Dhalinyarada Somaliland, Madxawenuhu wuxuu sheegay in aasaaska sanduuqaan uu yahay mid ka shaqayn doona a shaqayn doona horumarinta hal-abuurka iyo curinta Dhallinyarada Somaliland.

”Barnaamijka Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada waxa gundhig u ah dhiirrigalinta hal-abuurka iyo curinta Dhallinyarada Dalka, si loo horumariyo maskax ahaan iyo dhaqaale ahaan, isla markaana loo helo dhallinyaro ka fayow qabyaalad, balwado iyo ficillada xun-xun, qayb weyna ka qaadata horumarka dhaqan-dhaqaale ee bulshada” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland” Muuse Biixi Cabdi.

Isla-digreetadda waxaa sidoo akle lagu dhawaaqay xubnaha sare ee Gudigga ka ah Sanduuqa Horumatinta Dhalinyarada Somaliland.

1) Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu yeelanayaa Guddi Sare oo maamul (Board of Directors) oo ka kooban:

a) Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha =Guddoomiye=
b) Guddoomiyaha Gaboodka Haweenka ee Nagaad =G/ku-xigeen=
c) Guddoomiyaha Dalladda Dhallinyarada Somaliland SONYO =Xoghaye=
d) Wasiirka Horumarinta Maal-geshiga =Xubin=
e) Wasiirka Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska =Xubin=
f) Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga =Xubin=
g) Laba Xubnood oo Qaadhaan-bixiyayaasha metela =Xubin=
h) Saddex Xubnood – Shirkadaha Ganacsi ee waaweyn ee dalka =Xubin=

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *