Nin Loo Xiray Qoraal uu ku Soo Qoray Facebooga

Published: February 17, 2020

Nin dhalinyaro oo u dhashay wadanka Kenya ayaa Xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu facebooga ku soo qoray qoraal uu kaga digayay weerar argagixiso oo ururka Alshabaab ku soo qadayaan Kollege uu wax ka baranayay oo k yaal Nakur.

Ninkan oo lagu magacaabo Joseph Langat ayaa booliisku xireen kadibna waxay ku wareejiyeen Laanta dambi baarista ee DCI ee Kenya

Magacayga rasmiga ah ee Maxamed, waxaan ka imid Somaliya, Kenyaanu sida fudud ayay wax u laawaan” ayuu yiri Ninkan oo sidoo kale sheegay Dagaalyano aad u hubaysan oo ururka alshabaab ay ku sugan yihiin Rongai ee Koontiga Bomet 

Haddii lagu helo dambiyada lagu soo oogay ninkan dhalinyarada wuxuu mutaysan karaan Xabsi gaaraya muddo 20 sanno ah.

Ururka Alshabaab ayaa 5 sanno ka hor waxay weerar ku qaadeen Jaamacada Garrisa ee waqooyi bari kenya halkaasi oo ay ku dileen 68  qof oo isugu jiray arday iyo macalimiin.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *