Sheekh Shaakir oo soo jeediyay in la dhiso Gole loo dhan yahay oo u xil-saaran Federaalnimada & doorashooyinka Gobolada.

Published: February 17, 2020

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Madaxii Xukuumada Galmudug kana mid ah hogaanka culimadda Ahlu-Sunah Waljaamaca dhawaan sheegay in loo doortay Madaxweynaha Galmudug ayaa warsaxafadeed faahfaahsan kasoo saaray xaalada guud ee Soomaaliya ay marayso iyo midda ka jirta deegaanada Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ugu horayn sheegay in la waddo qorshe Alshabaab dib loogu celinayso gacan ku haynta deegaanada ay ka taliyaan taasna waxa uu sheegay in aysan dhacayn. sidoo akle waxa uu ka diggay in ciidamada Ajaanibta ah iyo kuwa Soomaaliyeed ee lasoo tababaray dhaqaale ahaana beesha caalamka waxtarto aan loo adeegsan caburinta shacabka.

Gabagabadii Sheekh Shaakir waxa uu dawlada ugu baaqay dowlada federalka iyo Beesha Caalamka in si wadajir ah loo dhiso Gole loo dhan yahay oo u xil-saaran Federaalnimada, Dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Gobolada.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *