Xisbigga Wadani ”Shacabku waxay baafinayaan Madaxweyne Muuse Biix”

Published: February 17, 2020

Xisbigga Mucaaridka ah ee Somaliland ayaa maanta ku shir ay ku qabteen Magaalada Hargaysay waxay ku dhaliileen Xukuumadda uu hogaamiyo Madxaweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Afhayeenka Xisbigga Wadani Barkhad Jaamac Batuun ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ka dhuumanayo shacabka Somaliland isla markaasna laga rabo inuu caddeeyo tuhunka ka jiro safarka Madaxweyne Farmaajo ee Hargeysa.

Si guud labadii sano ee uu xilka hayey madaxweyne Biixi muuqaal kastoo saxaafadu ka duubto iyo muuqaalkastoo ka hadlo wuxuu ku maagayey Farmaajo, labadii habeen ee u dambeysayna waxay bulshadda Somaliland baafineysaa madaxweynahooda ayuu yiri Barkhad Jaamac.

Xisbigga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu ku kacay falal liddi’ ku ah jiritaanka iyo madax-bannaanida Somaliland, isagoo ugu baaqay deg deg ah cafis furan u waydiisto Shacabka Somaliland

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *