Dad Badan oo Ku Dhintay Isbuurasho Ka Dhacday Xero Qaxooti

Published: February 18, 2020

Ugu yaraan 23 qof ayaa la soo sheegayaa inay geeriyoodeen ka dib markii ay isbuurasho ka dhacday xero qaxooti oo ku taala magaalada Diffa ee koonfurta wadanka Niger.

Dadka dhintay ayaa ahaa qaxooti u dhashay wadanka Nayjeeriya kuwaaso ka soo cararay colaada iyo dagaalada ka socda gobolka Borno halkaasi oo ku xoogan yihiin dhaqdhaqaaqa kooxda Xagjirka ah ee Boko Haram

Saraakiisha Nayjeeriya ayaa warbaahinta u sheegay in Isbuurashada sababtay geerida 23 qof ay sababtay ka dib markii qaxootigu ay isku dayeen inay boobaaan raashin mucaawimo ah oo la keenay xerada.

120,000 kun oo qof oo ka soo cararay weerarada iyo dilalka ay gaysanayaan kooxda Boko Haram iyo ciidamada Dowladda Nayjeeriya ayaa ku jira xeryo qaxooti oo ku yaal wadanka Niger oo ay xuduud leeyihiin Nayjeeriay. Ilaa 3 Milyan oo qof ayaa ka qaxay wadanka Nayjeeriya sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay qaramada Midoobay

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *