Jabuuti oo Soo Dhaweyn Meeqaam Sare Leh u Samaysay Madaxweyne Deni

Published: February 18, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka degay Garoonka diyaaraaha ee magaaladda Jabuuti, halkaasi oo si meeqam sare leh loogu soo dhaweeyay

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa soo dhoweeyay, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Warfaafinta Jabuuti Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka dabiiciga ah Yoonis Ali Geedi, Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Ambassador Aadan Xasan Aadan iyo Wakiilka Puntland ee Jabuuti Siciid Mahdi.

Madaxweyne deni ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Dowladda Jabuuti iyo Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa leh xiriir wadashaqeyn oo ku salaysan dhinacyada Amniga, Horumarka iyo Ganacsiga.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *