Madaxweynaha puntland oo u safray Dalka Jabuuti.

Published: February 18, 2020

Saciid Cabdilaahi Deni Madaxweybaha Puntland ayaa maanta u safray dalka Jabuuti, Safarkiisa waxaa ku weheliya sida ay ilo xog-ogaal ah sheegeen La taliyaasha dhinaca Amniga oo uu ka mid yahay Bashiir Ameerico iyo Gen Khaliif Ciise Mudan iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay in uu casumaad ka helay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Waxaana lagu waddaa in ay yeedhaan kulan, Sidoo kale Deni ayaa inta uu joogo Jabuuti waxa uu sidoo kale la kulmi doonaa masuuliyiin ka tirsan Beesha Caalamka.

Madaxtooyadda Puntland ayaa iyaddu weli ka hadlin socdaalka madaxweyne Deni ee Jabuuti.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *