Madaxweyne Ku xigeenka Hir-shabeele oo dib ugu soo laabtay Jowhar.

Published: February 18, 2020

Cali Cabdilaahi Xuseen Guudlaawe Madaxweyne ku xigeenka Hir-shabeele ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Jowhar ka dib socdaalo uu ugu maqnaa dalka dibadiisa iyo Magaalada Muqdisho, Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Hirshabeele, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Hirshabeele ayaa soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka.

Ugu horayn Cali Guudlaawe ayaa sheegay in uu sidoo akle safaro ku tagay deegaanada Warsheekh iyo Balcad “Fatahaadihii gobolka Hiiraan ayaan ka qeybqaatay kadibna waxaan u baxay safar dibadda ah, markii aan soo laabtayna waxaan howlo ugaga maqnaa degmooyinka Balcad iyo Warshiiq.sidoo kale waxaan kula kulmay Muqdisho ra’iisul wasaaraha dalka iyo Madaxweynaha dalkaba” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenku.

Sidoo kale waxa uu isla shalay booqasho ku tagay Dugsiga tababarka ciidamada ee ku yaal duleedka magaalada Jowhar halkaas oo lagu tababaraayo ciidamo ka tirsan Booliska Hir-shabeele.

Horseed Media, 2020.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *