Magacyada 11 Xubnood ee Deni u Magacaabay Guddiga Qabanqaabada Shirka Wadatashiga Garoowe

Published: February 18, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddiga qabanqaabada shirka wadatashiga Puntland kuwasoo ka kooban 11 Xubnood oo isugu jira Wasiiro, xildhibaano, lataliyaal madaxweyne iyo xubno kale.

madaxweynaha ayaa ka hor intuusan u dhoofin dalka Jabuuti Maanta waxaa uu magacaabay Guddigan oo uu madax uga dhigay Wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Guddigan oo guddoomiye u yahay wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdrixman Dhabancad ayaa ka howlgali doono qabsoomida Shirkaas oo nuxurkiisu yahay in la qabto shir weyne wadatashi ah 15-ka Bisha March 2020 oo ay isugu imaanayaan Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Wakiillada ku matala Dowladda Federaalka, Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka si looga tashado mustaqbalka Dowladda Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgalinta hanaanka Federaaleynta Dalka. 

Magacyada Guddiga uu magacaabay madaxweyne Deni

1. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda _ Gudoomiye.

2. Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada _ Gudoomiye ku-xigeen.

3. Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha _Xubin.

4. Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha _ Xubin.

5. Laylo Cabdi Cartan, Lataliyaha Madaxwaynaha _ Xubin.

6. Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan _ Xubin.

7. Mahdi Siciid Xasan, Xildhibaan _ Xubin.

8. Cabdiraxmaan Maxamed Bangax, Bulshada rayidka _ Xubin.

9. Maxamuud Ismaaciil Ciyoon, Bulshada rayidka _ Xubin.

10. Axmed Cabaas Axmed, Bulshada rayidka _ Xubin.

11. Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe), Bulshada rayidka _ Xubin

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta u duulay dalka Jabuuti, Safarka madaxweynaha waxaa ku wehelinaya Xubno ka tirsan gollihiisa wasiirada iyo Siyaasiyiin kale.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *