Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday rag lagu eedayay ka tirsanaanta Alshabaab.

Published: February 18, 2020

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sidda ayaa xukun min 10-sano ah oo xabsi ciidan ah ku riday Cabbduqaadir Suufi Muunye & Saciid Cumar Cabbdullaahi ka dib markii ay ku heshay in Alshabaab ay u qaabilsanaayeen xagga Maamulka iyo Maaliyadda Tuulada Mareerey ee hoos tagta Afgooye.


Dhanka kale Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim ayaa Idaacadda Alfurqaan u ahaa wakiil wareed xagga dhaq-dhaqaaqa ganacsiga u gudbin jiray sida ay Maxkamaddu sheegtay waxaana lagu xukumay 8-sano oo xabsi ciidan ah.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *