Muuse Biixi “Ma ogolaanayno in Farmaajo Somaliland yimaaddo,Maya Maya”

Published: February 18, 2020

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta khudbad dheer ka jeediyay golayaasha guurtidda iyo aqalka hoose taas oo uga warbixinayay xaalada guud ee Somaliland, Waxyaabaha u qabsoomay maamulkiisa , guulaha ay gaareen iyo safarkii uu dhawaan ku tagay Magaalada Adis-ababa ee uu kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya.

Muuse Biixi ugu horayn waxa uu sharaxay sida ay kulmeen isagga iyo Madaxweyne Farmaajo “Aad baan u farxay markii uu i marti qaaday Abiy Axmed, waxaana halkaas si kedis ah ku kulmay Madaxweyne Farmaajo oo markaas lee sheegay in uu so galaayo”. ayuu yiri Biixi.

Muuse Biixi waxa Dawlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay in ay si cadawtinima laeh ula dhaqantay Somaliland tan iyo Markii la doortay ” Dowladda Farmaajo waa dowladii ugu cadaawada badneed ee Somalilanda la dagaashay, waxay dagaal dhaqaale iyo mid dadba ay ku soo qaaday Somaliland, waxay hor istaageen mashaariic ay lahayd Somaliland, waxay hakiyeen dhamman dhaqaalihii, waxbarashadii, heshiisyadii magaca somali lagu soo qaaday balse Somaliland lasiin jiray”

Muuse Biixi gebi ahaanba waxa uu meesha ka saaray Imaanshaha Hargaysa ee Madaxweyne Farmaajo waxa uuna sheegay in aysan mid dhacaysa ”Sidee buu ku imaanayaa Farmaajo Hargaysa isagoo Madadweyne sheeganaya, wax la aqbali karo maaha, mana yeelayno in uu yimaado,  Isma qabato raali gelintii Farmaajo iyo Hargaysa ayuu imaanayaa in la dhaho”.

Khudbada Madaxweynaha Somaliland ayaa ahayd mid si wayn loo sugayay, Waxaana maalmihii danbe si wayn loo hadal-hayay in Madaxweyne Farmaajo uu tagayo Magaalada Hargaysa. Shacabka Somaliland ayaa si wayn uga soo horjeestay, sidoo kale xisbiyadda mucaaradka ayaa Madaxweynaha ugu baaqay in uu wixii shirkaas kasoo baxay uu shacabka la wadaaggo.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *