Wasiir Cawad oo soo dhaweeyay Ergayga cusub ee Hay’ada WHO u qaabilsan Soomaaliya.

Published: February 18, 2020

Danjire Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay ergayga cusub ee Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO u qaabil-sanaan doona Soomaaliya, Wasiir Cawad ayaa nuqul kamid ah Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Dr. Mamunur Rahman Malik oo ah Ergayga cusub ee Hay’adda WHO ugu xil saaran Arrimaha Soomaaliya.

Amb. Cawad iyo Wakiilka cusub ayaa k wada-hadlay Iskaashi wadaagga, Wax ka qabashada Baahida dhanka Caafimaadka iyo Isbitaalada ku yaalla Soomaaliya sidii ay gacan u siin lahayd Hay’adda WHO.waxa ay isla garteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Wakiilka Hay’adda Caafimaadka Qaramada Midoobe u qaabilsan, sidii loo sameyn lahaa wacyi-gelin loogu talagalay adeegyada Caafimaadka iyo hirgelinta mashaariic kala duwan.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *