Ciidamada Jubaland oo iska caabiyay xubno ka tirsan Alshabaab oo jidka u galay.

Published: February 19, 2020

Qaar ka mid ah Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo ka baxay magaalada Kismaayo  kuna sii jeeday magaalada Dhoobley ee isla gobolka Jubbada hoose ayaa dagaal adag la galay malayshiyaad ka tirsan Ururka Alshabaab kadib markii ay weerar jidgal ah ku sameeyeen ciidamada Jubaland oo marayey duleedka degaanka Qooqaani.

Sida la xaqiijiyay 8 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab iyo sidoo kale 2 askari oo kamid ah ciidamada Daraawiishta Jubaland kuwaasi oo gaarigii ay saarnaayeen miino la kacday ayaa dhintay halka 2 askari oo kalena ka dhaawacmeen Jubaland.

Maamulka Jubaland ayaan weli si faahfaahsan uga hadlin dagaalkaan balse ciidamada ayaa la sheegay in ay deegaankaas ka saareen Alshabaab sidoo kalena ay dib u fureen isu-socodka wadada.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *