Dagaal Dhexmaray Ciidamada Jubbaland iyo Shabaab

Published: February 19, 2020

Cutubyo ka tirsan Ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo maleeshiyaadka Alshabaab ayaa maalintii shalay waxaa dagaal ku dhexmaray duleedka deegaanka Qooqaani oo 150KM u jirta magaalada Kismaayo.

Ciidamada Jubbaland oo ka baxay magaaladda Kismaayo, oo ku sii jeeday magaalada Dhooblay ayaa waxaa jidka u galay Maleeshiyaadka Alshabaab, halkaasi oo dagaal qaraar uu ku dhexmaray.

Saraakiisha Jubbaland waxay sheegeen in ciidamada Jubbaland ay dileen 8 ka tirsan maleeshiyaadka Alshabaab, islamarkaana lagu dagaalkaasi lagu jabiyay Alshabaab. Jubbaland waxay dhinaceeda sheegtay in laba askari ay ku nafwaayey gaari miino la kacdey intii ay dagaalka ku jireen halka 2 kalena ay ku dhaawacantey

Ciidamada ayaa dagaalka ka dib gaaray degaanka Qooqaani.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *