Deni oo Ka Hadlay Kulankii uu la Yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele

Published: February 19, 2020

Madaxweynaha dowladda Puntland siciid Cabdullaahi deni iyo wafti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa weftiga Puntland ku qaabilsan qasiriga madaxtooyada ee caasimadda Jabuuti. Madaxweynaha Puntland oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta ayaa shacabka iyo madaxweynaha Jabuuti uga mahdceliyay sidii meeqaamka sare lahayd ee loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti

“Booqashada Waxaa ugu muhiimsanayd in aan soo booqano, la tashano, guud ahaana Jabuuti horumarka ay gaartay u kuurgalno, kana codsano in wixii ay nalaqaban karaan Soomaaliya la qabtaan marxalad kasta oo ay u baahan yihiin” ayuu yiri madaxweynaha Puntland

Wuxuu sheegay in Dalka Jabuuti uu yahay halkii lagu aasaasay dowladda federaalka ee Somaliya 20 sanno ka hor, waxaa uu xusay kaalintii uu madaxweynaha Jabuuti ka qaatay dib-u-yagleelida qaranka Somaliyeed.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in dowladda Puntland ay wax badan kaga dayan doonto dalka jabuuti gaar ahaan horumarka dhaqaale iyo ganacsi ee ay sameeyeen.

Madaxweynaha Puntland iyo weftiga la socda ayaa maanta waxay booqdeen Dekedaha Dooraale, Damerjoog, Xarunta xargaha qaada Internetka xawaarihiisu dheereeyo “Fibre Optic Cables” iyo aaga ganacsiga xorta ah ee “Jabuuti Free Trade Zone”.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *