Madaxweyne Deni oo Agaasime iyo Taliyayaal Cusub u Magacaabay Ciidamada PMPF

Published: February 19, 2020

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa Agaasime, Agaasime ku-xigeen iyo Taliyayaal cusub u magacaabay Ciidamada Badda Puntland ee PMPF, isagoo xilalkiina ka qaaday Masuuliyiintii hore ee Ciidamadaasi.

Madaxweynaha ayaa isbedelka uu ku sameeyay Hoggaanka sare ee Ciidamada badda wuxuu ku sababeeyay Baahida loo qabo horumarinta iyo dibu habaynta Ciidanka PMPF

Agaasimaha, Agaasime ku-xigeenka iyo Taliyaasha la magacaabay

  1. Waxaa Cabdirabi Cabdisamed Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka PMPF 
  2. Waxaa Axmed Yuusuf Axmed loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Ciidanka PMPF 
  3. 4. Waxaa G/sare Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac loo magacaabay Taliyaha howl galinta Ciidanka PMPF 
  4. 5. Waxaa G/dhexe Xabiib Faarax Xassan loo magacaabay Taliyaha Ciidanka lugta PMPF. 
  5. 6. Waxaa G/dhexe Baarri Salaad Axmed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka kumaandoosta PMPF 
  6. 7. Waxaa G/dhexe Maxamed Cabdi Diiriye loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Qaybta Badda (ABS) ee Ciidanka PMPF

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland wuxuu xil ka qaadis ku sameeyay Agaasimihii hore ee Ciidamada PMPF C/raxmaan Xaaji Xasan iyo ku-xigeenkiisa, Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu xilalkii ay hayeen ka qaaday Taliyayaashii Ciidamada , waxaana loo wareejiyay ciidamada daraawiishta Puntland, Taliyayaashan ayaa kala ah

  1. Admiral Cabdirsaaq Diiriye Faarax 
  2. Admiral Maxamuud Siciid Ciise 
  3. Admiral Cabdullaahi Axmed Yuusuf 

Isbedelka lagu sameeyay Agaasimayaasha iyo taliyayaasha Ciidanka ee PMPF ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee lagu sameeyo ciidamadaasi oo la asaasay muddo 10 sanno ka hor. Ciidamadan ayaa waxaa maalgaliya oo gacanta ku haya Imaraadka Carabta.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *