Madaxweyne Deni oo Booqday Dekedaha Dooraale iyo Damerjoog

Published: February 19, 2020

Weftiga Puntland ee uu hoggaaminayo madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ee ku sugan wadanka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa booqday goobo muhiim ah oo ku yaal wadankaasi.

Goobaha ay booqdeen waxa aka mid ah Dekadda Dooraale, Dekadda Damerjoog, Xarunta xargaha qaada Internetka xawaarihiisu dheereeyo “Fibre Optic Cables” iyo aaga ganacsiga xorta ah ee “Jabuuti Free Trade Zone”.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa booqashada xarumahan ku weheliyey xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee dalka Jabuuti iyo Masuuliyiinta xarumaha uu booqday oo marwalba Madaxweynaha warbixin ka siinayey xarumahaasi.

Madaxweyne Deni oo shalay gaaray magaaladda Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay guddoomiyaha barlamaanka dalkaasi, wasiirka arrimaha dibada iyo xubno sarsare oo ka tirsan xukuumadda Jabuuti. Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa la filayaa inay la kulmaan madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *