Maraykanka oo taageero maaliyadeed siinaya dowlada Ethiopia.

Published: February 19, 2020

Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in taageero dhaqaale ay siinayaan Dowlada Ethiopia taas oo looga gol-leeyahay sidii loo sii xoojin lahaa dib u habeynta siyaasada sida laga soo xigtey xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Warkaan ayaa la baahiyay xilli uu booqasho ku tegey maanta magaalada Addis Ababa xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka Mike Pompeo.

Mike PomPeo ayaa ammaanay dib u habeynta siyaasadda ee uu hogaanka u hayo Abiy Axmed. Waxaana uu Xoghayaha Arrimaha Dibbada Maraykanka uu ballanqaaday in siddeed malyan oo dollar ku bixinayso dowladiisa la dagaalanka Ayaxa.

Dalka Ethiopia ayaa lagu wadaa in 29ka bisha August ee sanadkan in ay ka dhacdo doorasho Abiy Ahmed ayaa horay u balanqaaday in doorashadaan ay ku dhici doonto hanaan xor iyo xalaal ah.

Booqashada Pompeo ee uu ku tegey dalka Ethiopia ayaa ka mid ah safar uu ku kala bixinayay dalalka Germany, Senegal iyo Angola Maraykanka ayaa la sheegaa in Sanadkii uu 1bilyan oo dollar ugu deeqo dawlada Ethopia.

Horseed Medai, 2020.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *