Safaarada Maraykanka ee Muqdisho oo ka hadashay dilkii loo geystay Wariye Cabdiwali Online.

Published: February 19, 2020

War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa si xoogan loogu cambaareeyey dilkii 16-kii bishan loo geystay Wariye Cabdiwali Cali Xasan (Online), kaas oo dhacay magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Safaaraddu waxay tacsi u dirtay xaaskiisa, caruurtiisa, saaxiibadii iyo asxaabtii ay shaqo wadaaga ahaayeen.

Mareykanku wuxuu tilmaamay in uu garab taagan yahay dhammaan Soomaalida, si ay u difaacaan xuquuqda aan loo dulqaadan karin ee xorriyadda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka, Sidoo kale uxuu ku baaqay in la soo afjaro dhaqanka rabshadaha iyo ciqaab la’aanta, kuwa wax dila.

Warkaan kasoo baxay Safaaradda Maraykanka waxaa lagu sheegay in beegsiga iyo dilalka dadka warbaahinta ka shaqeeya, oo shaqadoodu tahay in ay warka gaarsiiyaan waxna baraan bulshada ay tahay mid ay Al-shabaab ku doonayso in ay ku aamusiso codadka Soomaaliyeed.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *