Cudur Aan la Aqoon oo Dad Ku Laayay Dowlad Degaanka Somalida Itoobiya

Published: February 20, 2020

Dowladda degaanka Soomaalida ee Itoobiya waxaa ka dilaacay cudur aan la garaynay waxa uu yahay, kaasi oo dad badan laayay, dad kalena oo farbadanina ay u jiifaan.

Cudurkan ayaa sameeyay tuulooyinka iyo degaamada ku dhow goobaha ay degan yihiin shirkadaha Shiinaysa ee ka shaqeeya Gaaska Dabiiciga ah ee laga helay dowladda degaanka Soomaalida.

Khadar Cabdi Cabdullaahi oo ah 23 Jir ayaa ahaa qofkii u horreeya ee u geeryooda cudurka,Saraakiisha caafimaadku waxay sheegeen in khadar indhihiisu isku bedeleen jaale, kadibna uu sanka iyo afka dhiig ka sii daayay, jirkiisa oo dhan uu barbaray, qandho aan degayn ayaa sidoo kale lagu arkay.

Saraakiisha caafimaadku waxay kaloo sheegeen in dadka badan oo ahaa qoysaska deriska la ahaa Khadar uu soo riday cudurku, qaarkooda ay u geeriyoodeen.

Dadka degaanka ayaa aaminsan in cudurkan uu ka dhashay walxo kiimiko ah oo shirkadu ku sii daaysay degaanka iyo biyaha dadka cabaan, arrintaas oo ay diideen xukuumadda dowladda degaanka Somalida iyo xukuumadda Adis-ababa.

Shirkadda Poly-Gcl oo ay qayb ahaan ay leedahay dowladda Shiinaha ayaa degaanada degaanada Soomaalida itoobiya waxay ka waday mashruuc lagu soo saaray Shidaalka iyo gaaska Daabiciga oo dhulkaasi qani ku yihiin ilaa sanadkii 2004tii. Shirkadan waxay kaloo dhisaysay Dhuumo shidaalka iyo Gaaska qaada oo isku xiraya ceelasha shidaalka iyo dekedaha ku yaal wadamada Jabuuti iyo Somaliya

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *