Dhisme Casri ah oo Loo Dhisayo Bangiga Dhexe ee Puntland

Published: February 20, 2020

Magaaladda Garoowe waxaa maanta ka dhacay munaasabad lagu saxiixay dhismaha dhisme casri ah oo saddex dabaq ka kooban oo loo dhisayo Bangiga dhexe ee Puntland.

Agaasimaha bangiga dhexe ee Puntland Maxamed Faarax Maxamuud waxa uu sheegay in dhismahan oo isugu jiro Bangi iyo xafiisyo oo laga hirgalin doono magaaladda Garoowe uu noqon doono xarunta dhexe ee Bangiga Puntland

” Waxay ay ahayd qorshayaashii madaxweynaha Puntland siciid deni oo ahayd in horumar la sameeyo oo bangiga wax laga qabto xaga dhismaha, xaga tababarka shaqaalaha bangiga iyo qaabka uu bangigu u shaqeeyo” Sidaas waxaa yiri Agaasime Maxamed Faarax.

Qandaraaska dhismaha ayaa waxaa ku guulaystay shirkada dhismaha ee Al-baashit.

https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/188244199126394/

Dhinaca kale, Agaasimaha bangiga dhexe wuxuu sheegay inay wadaan qorshe ay Bangiga kaga dhigayaan qaabka uu u shaqaynayo hab elektoroonik ah oo la jaanqaadaya hababka casriga ah ee uu u shaqeeyaan bangiyada caalamiga ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *