Dowlada Federaalka oo Sheegtay in Shabaab ka Baxeen Degmada Jamaame

Published: February 20, 2020

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ururka Alshabaab ay isaga baxeen degmada Jamaame ka dib markii ciidamadeeda ay wax ka yar 1 km u jirsadeen

Taliyaha Guutada 11-aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga dalka G/le Sare Maxamed Badal Xasan ayaa Warbaahinta dowladda federaalka u sheegay in saacadaha soo socda ay gaari doonaan Jammaame, halkaasi oo ay hadda ay u jiraan wax ka yar hal Kiilo mitir.

Wuxuu sheegay Ciidanka Xoogga Dalka oo kasoo ruqaansaday deegaanka Araare ay cagta soo mariyeen deegaanada Kaban iyo Bangaani ee gobolka Jubada hoose, degaanadaasi oo ay ka talinayeen ururka Alshabaab

G/le Sare Maxamed Badal, ayaa tilmaamay in howlgalkaan ay ka sameeynayaan Ciidamadda  Xoogga Dalka, Goobihii ay soo mareen  ay ka soo saareen ilaa iyo labo miino oo nooca dhulka lagu aaso ah.

Howlgalkaani ayaa ujeedkiisu yahay inu Maleeshiyaadka Al-shabaab laga xoreeyo degaamada ay gacanta ku hayaan sida ay dowladda federaalku sheegtay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *