Duqayn Cirka ah oo Lagu Dilay Saraakiil Alshabaab ah

Published: February 20, 2020

Melatariga Dawlada Mareykanka ee africom ayaa weerar dhanka cirka ku qaaday mintidiinta AL-Shabaab deegaanka Wadajir ee u dhaw jilib, Soomaaliya.


Duqeyntan oo aad looga baaraandegay ayaa waxa lagu dilay saddex ka mid ah mintidiinta Al-Shabaab.


Maraykanku waxa ay sheegeen inay qaadeen taxadar dheeri ah oo ku aadan ka hortagga waxyeelada rayidka inta lagu gudajiro ladagaalanka kooxda argagaxisada ah iyada oo si buuxda loo baarayo eedaymaha lasoo wariyo. Tan ayaa waxay aad uga duwantahay weerarrada aan loo aabayeelin ee ay Al-shabaab ku qaadaan shacabka Soomaaliyeed iyada oo xataa aan u turin haweeka iyo carruurta maatida ah.


Subaxan ayay Al-shabaab weerareen degmada Qoryooley iyada oo aysan magaalada ku sugnayn Xoogga Dalka iyo AMISOM toona. Dadka reer Qoryooley ayaa iskaga caabbiyey qoryahooda caadiga ah, kuna qasbay Al-shabaab in ay dib-ugagurtaan aaggaa. Al-shabaab way sii wadaan weerarrooda fuleynimada ee ay ku qaadayaan shacabka aan waxba galabsan iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya.


Hubinta hadda la sameeyey ayaa ah in cid shacab ah aysan wax ku noqon weerarkan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *