Galkacayo: Suxufiyiin La Xirxiray Ka dibna La Siidaayay

Published: February 20, 2020

Saddex suxufi oo ka howlgalyay magaaladda Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug ayaa Booliisku Xabsiga u taxaabeen, kadibna ay sii daayeen.

Bidix, Axmed Caano Geel, Siciid Nadaar iyo Cabdiweli Cagaarane

Suxufiyiintan oo kala Axmed Caana-geel oo ah agaasimaha Idaacada codka Nabada ee Galkacayo, Siciid Nadaara oo ah wariye madax banaan iyo Cabdiweli jaamac Cagaarane oo ah wakiilka telefishanka SBC ee Galkacayo.

Booliiska ayaa suxufiyiinta soo xiray iyagoo markaa ku gudajiray muuqaalo iyo codad ay ka duubayaan ganacsato ka cabanayay cashuur dheeraad ah oo wasaaradda maaliyadda Puntland ku soo rogtay. booliiska ayaa qalabkii wariyayaashu ku shaqaynayeen ka qaaday ka dibna jirdil u gaystay sida ay sheegeen suxufiyiintaas oo markii dambe xoriyadoodi dib loogu soo celiyay.

Ururada warbaahinta Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay xariga iyo tacadiga loo gaystay saddex suxufi oo ka howlgala gobolka Mudug.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *