Germany: Sagaal Qof oo Ku Dhintay Weerar ka Dhacay Baarar Shiishada lagu Cabo

Published: February 20, 2020

Nin hubaysan ayaa 8 qof ku dilay Labo Baar oo lagu cabo shiishada kuwasoo ku yaal magaaladda Hanua ee galbeedka wadanka Jarmalka.

Weerarkan oo xalay dhacay ayaa waxaa kaloo ku dhaawacmay tiro kale oo dadka ah sida ay sheegeen booliisku. Labada meelood ee weerarku ka dhacay ayaa waxaa macaamiil u ahaa dad u badan qowmiyada Kurdida ee Jermalka

Booliisku waxay sheegeen in ninka looga shakisanyahay inuu gaystay Weerarka uu isdilay, maydkiisana laga helay gurigiisa, waxay kaloo booliisku sheegeen inay heleen rasaas iyo qori.

Ma Cada sababta ku kaliftay inuu weerarkan gaysto hase yeeshee waxaa la aamisan yahay in ninkan oo ah muwaadin Germal ah uu ka tirsan yahay kooxaha xagjirka ah ee neceb dadka soo galootiga ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *