Is beddel Lagu sameeyay Qaabdhismeedka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya

Published: February 20, 2020

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa ayaa dib-u-habeyn ku sameeyay qaabdhismeedka waaxaha wasaaradda.


Is beddelka ayaa ujeeddadiisu tahay in Wasaaraddu yeelato waaxyo ka turjumaya waajibaadka , si la isku waafajiyo qaabdhismeedka iyo shaqada wasaaradda taas oo suurto galin karta hufnaanta iyo habsami u socodka shaqada, sida ku caad wareegto uu soo saaray wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.


Dib-u-habeyn ayaa lagu soo koobay waaxyaha wasaaradda lix waaxood, halkii ay horey u ahaayeen 11 waaxood. Agaasime waaxeedyada ayaa saddex ka mid ah waxaa loo magacaabay haween.


Munaasabad maanta ka dhacday xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Maxamed Cadde Mukhtar ayaa sidoo kale ay xilalka kula wareegeen agaasime waaxeedyada cusub.
“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada howlo muhiim ah ayay u heysa dalka, waana muhiim in la dardargaliyo howlaha la qabanayo – agaasimeyaasha cusub waxaan u rajeyn inay ka soo dhalaalan shaqada ay qabanayaan, iyadoo wadajir loo shaqeynayo.” ayuu yiri agaasimaha guud oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *