Maxay tahay ujeedada ugu weyn ee Safarka Madaxweynaha Puntland ee Jabuuti?

Published: February 20, 2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa booqasho ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti, caasimadeeda ee Jabuuti, kadib markii uu casumaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Madaxweynaha Jabuuti Geele ayaa isla maalintii shalay ee Arbacada guriga Madaxtooyada ku qaabiley Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha khuseeya labada dhinac iyo iskaashiga.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Horseed u sheegay in ujeedada ugu weyn ee Jabuuti u casunetey wefdiga Madaxweynaha Puntland uu yahay hirgelinta mashruuca DARE1 ee Xargaha xanbaara Internetka xawaarihiisu dheereeyo ee looyaqaan Optical fiber. Fiilooyinka badda la soo marinayo ee laga soo qaadayo dalka Kenya kuwaas oo la geynaayo Jabuuti ayaa lagu qiyaasayaa dherarkooda 5000km, waxaana uu ku kacayaa adduun ka badan 59 milyan oo dollar, waxaana ay xanbaari karaan 36 terabits per secon (Tbps). Mashruucan DARE1 The Djibouti Africa Reginal Express 1, waxaana isla maamulaya Djibouti Telecom, Somtel, Telcom Kenya iyo Subcom.

DARE1 ayaa yeelanaya afar xarumood oo ku kala yaala Kenya (Mombasa), Mogadishu, Bosaso iyo Jabuuti, kadibna waxaa la qorsheynayaa in uu u sii gudbo dalal kale oo Afrikaan ah si loo xoojiyo ganacsiga iyo isku xidhka Bariga Afrika.

Qorshaha dhismaha xarumaha ayaa horey loo qorsheeyey in uu noqdo magaalada Berbera, laakiin waxaa shirkadda Somtel uga guuleystey shirkado kale oo mashruucan qandaraas Somaliland ku siisey, waana sababta keentey in Somtel ay u wareejiso magaalada Bosaso.

Jabuuti ayaa horey ugu guuldaraysatey wada-hadal muddo u socdey iyaga iyo Somaliland oo ku aadan hirgelinta mashruuca Internetka xawaarihiisu dheereeyo, bishii janaayo 2020 ayey ahayd markii mid kamid ah maraakiibta xargaha dhigaya ay Somaliland ka saartey xuduuda badeeda.

Markabka xargaha jiidaya ayaa todobaadkan yimid magaalada Bosaso oo kamid ah halka loo qorsheeyey mid kamid ah xarumaha DARE1 yeelanayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa isla maalintii shalay booqdey xarunta DARE1 ee Jabuuti laga hirgelinayo ee isku-xidhka Internetka Bariga Afrika taas oo Jabuuti baahi weyn u qabto.

Shirkadda isgaarsiinta Golis ee ah tan ugu weyn geyiga Puntland ayaa malaayin dollar ku bixisey sidii ay Puntland u keeni lahayd internetka xawaaraha dhereeya, taas oo ay wax weyn ka qabatey, waxaana ay iska kaashadeen Shirkadda isgaarsiinta dalka Cuman, iyada oo xargaha la soo mariyey Badda, awooda ay xanbaari karaana ay tahay 20 terabits per seconc (Tbps), shirkadda Golis ayaa weli ku hawlan baahinta Internetka xawaarihiisu dheereeyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *