Ninkii Saddexaad ee Ku Xukunaa Kiiskii Caa’isho oo Heshiis Mag ah Lagu Sii Daynayo

Published: February 20, 2020

Heshiis lagu sii daynayo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo ka mid ahaa saddexdii nin ee kufsaday oo dilay Caa’isho ayaa waxaa wada gaaray Qoyska xukumanaha iyo qoyska Marxuumada Caa’isho Ilyaas.

Heshiiskan ayaa dhigaya in mag 75 halaad ah la siiyo qoyskii ay ka dhalatay Marxuumada Caa’isho Ilyaas. Magta la bixinayo ayaa neefkii geela ahaa waxaa lagu qiimeeyay $500, iyadoo qoyska gacanta laga saaray lacagta 50 Halaad. waxaa kaloo labada qoys isla garteen in muddo Saddex bilood ah lagu bixiyo qaybta ka hargsan magta.

Heshiiska magta ah ee Labada qoys ay wada gaareen ayaa wararku sheegayaan in loo gudbiyay laamaha garsoorka Puntland, si loo sii daayo xukumane Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

Aabe Ilyaas Aadan

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige oo lagu helay inay kufsadeen oo dileen Caa’isho Ilyaas oo ahayd gabar yar oo 12 jir ahayd ayaa toogasho lagu fuliyay 11kii bishan Febraayo magaaladda Bosaso.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *