Puntland oo Shacabka uga Digtay Adeegsiga Forex

Published: February 20, 2020

Agaasimaha bangiga dhexe ee Puntland Maxamed Faarax Maxamuud ayaa shacabka Puntland uga digay inay hantidooda galiyaan suuqa onlineka ee sarifka lacagta qalaad ee Forex, kaasi oo dad badan ku cayroobeen.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in muddooyinkii u dambeeyay ay Puntland ku soo urureen shirkado dadka ka urursada oo sheegay inay maagalin samaynayaan, waxaa kaloo uu sheegay inay jira dad badan oo lagu dhacay barnaamijkan forex,

” Tusaale ahaan shiraduhu waxay leeyihiin haddaad $500 nagu darsato, waxaanu kaa qaadayna 150$ oo adeeg ah, bil kastana waxaanu ku siinaynaa $220, lacagtaadii lafaha ahaydna waa kuu oolaysaa, mudo kadibna waxaa dhici karta in shirkadaahi yiraahdaan waa khasaarnay, lacagihii aanu ururinayna waa la waayay” ayuu yiri Agaasime Maxamed Faarax.

https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/188244199126394/

Agaasimuhu wuxuu kula taliyay dadweynaha inay la macaamilaan shirkadaha ku shaqaysta suuqa forex ee la hubiyay ee shatiga ka haysta bangiga dhexe ee Puntland.

24 Saac la soo dhaafay waxaa soo baxayay warar la xiriira in dad badan oo Soomaaliyeed ay ku cayroobeen Suuqa sarifyada lacagaha online ee forex.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *