Madaxweynayaasha Rwanda Iyo Uganda oo mudo dheer ka dib kulmaya.

Published: February 21, 2020

Magaalada Katuna ee dhacda xuduuda Dalalka Rwanda iyo Uganda ayaa maanta lagu waddaa in ay dib ugu kulmaan labada Madaxweyne ee Dalalka Rwanda iyo Uganda, saaxiibo mar is-taageeri jiray balse mudo dheer is-moogaaa.

Sanadkii 1986kii Kagame waxa uu ka mid ahaa dagaalyahanada mucaaradka ee uu hogaaminayay Museveni oo markii dambana la wareegay xukunka dalka Rwanda, Bilawgiisa markii uu dawlada majaraha u qabtayna waxa uu siiyay gacan wayn.

Labadaan hogaamiye waxaa ka dhaxeeyay xiriir qoto-dheet, Sanadkii 1996dii waxay iska kaashadeen sidii xilka looga tuuri lahaa Madaxweynihii hore ee dalka Jamhuriyada Congo ee Mobutu Sese Seko iyagoo talada dalka gacanta u galiyay Laurent Kabila.

Hase yeeshee xiriirka labada hoggaamiye ayaa sanadihii la soo dhaafay xumaaday si toos ahna uma kulmin muddo toban sano ah, Kagame oo 62 sano jir ah ayaa ku eedeeyey saaxibkiisii hore Museveni, inuu taageerayo jabhadaha RNC iyo FDLR oo doonaya in xukunka kala wareegaan.

Madaxweynaha Uganda Museveni oo 75 jir ah ayaa dhankiisa ku eedeeyay saaxiibkiisii hore Kagame inuu farogelin ku hayo siyaasada dalkiisa ayna ciidamada Ruwanda gudaha u soo galeen dhulka Uganda ayna dad rayid ah ku laayeen.

Kagame iyo Musaveni ayaan si toos ah u kulmin tan iyo markii ay wiiqan-tay kalsoonidii ka dhaxaysay, marka laga yimaado ka qaybgalka shirka Afrika, kuwa caalamigga iyo kuwa gaarka. Kulankaan ka dhacaya Magaalada Katuna maanta oo jimce ah ayaa lagu waddaa in ay heshiis ku gaaraan labada hoggaamiye.

Horseed Media 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *