Qodob muhim ah oo mar kale wax laga beddalay sharciga doorashooyinka qaranka

Published: February 21, 2020

Waxaa dad badan oo falanqeeya arrimaha siyaasadda aaminsan yihiin Sharciga doorashooyinka ee habeenkii xaley Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku saxiixey madal loo dhan yahay uu ka eegayo sida uu ugu oggolaan karo muddo kororsi taas oo uu si ba’an u raadinaayo, marka la eego wax ka beddelka ugu danbeeyey ee lagu sameeyey sharciga Doorashooyinka Qaranka, haddaba muxuu yahay qodobka muhimka ah ee mar kale wax laga beddalay.

Ugu horeyn Golaha Wasiirada ayaa sharciga u gudbiyey Baarlamaanka bishii Abril 2019, waxaa si wada jir ah sharcigan uga horyimid inta badan Dowlad Goboleedyada dalka, meelaha sida weyn loo diidanaa waxaa kamid ah qodobka 56aad ee Hindsise Sharciyeedka qabyada ah ee la gudbiyey, kaas oo si toos ah u caddeynaya muddo kororsi Madaxweynaha iyo Xukuumadda haddii doorasho dhici weydo.

Baarlamaanka ayaa u saarey guddi ka kooban 15 xubnood oo uu guddoomiye u yahay Xil. Eng Carab kuwaas oo muddo ka badan 6 bilood ku jirey wada tashi iyo wax ka beddel, waxaana ay baarlamaanka 27 Nofeembar 2019 horgeeyeen sharciga oo ay si weyn wax uga beddeleen, gaar ahaan Nidaamka doorasho oo markii hore ahaa Liiska xiran, (proportional represent PR) waxaana ay ka dhigeen First Past The Post ee lagu kala baxo cod dheerida kursi kastana goonidiisa loogu tartamo ama “horeeyaa guuleysta”, sidoo kale waxay meesha ka saareen qodobkii ku darsashada ee 56aad, kaas oo isu bedalay qodobka 53aad ee dhigaayey muddo kororsiga Madaxweynaha iyo Xukuumadda haddii doorasho dhici weydo, Aqalka Hoose ee goolaha shacabka Jamhuuriyadda Federaaligu waxay u gudbiyeen Sharciga Aqalka Sare oo aan muddo dheer sii haysan waxayna ansixiyeen bilowgii bishan Febaraayo, Golaha Aqalka Sare ma soo bandhigin waxa ay ka beddeleen sharcigan, sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in ay mar dib ugula noqdeen Aqalka Hoose, laakiin lama shaacin qodobka la isku haystey iyo waxa laga bedeley midna.

Ka hor intaan Madaxweynuhu si rasmi ah u saxiixin, ayaa sharcigan laga saarey dhamaan goobaha laga helaayey ee Dowliga ah iyo hay’adaha la shaqeeya Dowladda, laakiin Horseed Media waxay haysaa dhamaan heerarkii uu soo marey.

Nuqulka Aqalka Hoose anixiyey, waxa uu meesha ka saarey muddo kordhinta Madaxweynaha iyo Xukuumadda, waxaana uu waafajiyey Dastuurka oo ah in Goloyaasha hadda jira ee Baarlamaanka ay beddeli karaan Goloyaal Baarlamaan oo cusub oo la soo doortey ilaa la soo dooranayona ay jirayaan, waxaana ay nuqulkii Golaha Xukuumaddu soo gudbisey ka saareen in Madaxweynaha iyo Xukuumaddu si toos ah mudada xilka ula siyaadeyso si lamid ah goloyaasha Baarlamaanka

Haddaba Sharciga Madaxweynuhu saxiixey ayaa qodobka 53aad mar kale wax laga beddeley, laguma caddeyn muddo korsasho, waxaana laga dhigey mid wada khuseyn kara dhamaan Goloyaasha Dowliga ah, kaas oo ah in labada Aqal ay shir isugu imaanayaan oo go’aan ka gaarayaan haddii aan doorasho hal qof hal cod ah lagu geli karin sharciga doorashooyinka Qaranka ee habeenkii xalay la saxiixey, taas oo u muuqata in Madaxweyne farmaajo ka shaqeynaayo in Baarlamaanku muddada u kordhiyo. Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa durba ka dhawaajiyey in uu Madaxweynhu la hadley Madaxda sare ee labada Aqal kana dalbadey in ay ka sii shaqeeyeen sida la yeelayo haddii sharcigan shaqeyn waayo.

Hoos ka eeg isbeddlada ku dhacay qodobka dib-u-dhaca doorashada

NUQULKAN WAA KII KOWAAD EE GOLAHA WASIIRADU U GUDBIYEEN BAARLAMAANKA
NUQULKAN WAA KII GUDDIGA BAARLAMAANKU SAAREY AY SOO SAAREEN AQALKA HOOSENA ANSIXIYEY
NUQULKAN WAA MIDKA MADAXWEYNE FARMAAJO SAXIIXEY EE RASMIGA NOQDAY

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *