Madaxweynaha South-Sudan iyo Hogaamiyaha Mucaaridka oo heshiis Rasmi ah gaaray.

Published: February 22, 2020

Madaxweynaha Dalka South Sudan Salva Kiir iyo Hogaamiyaha Mucaaradka Riek Machar ayaa ku kulmay Malaada Jubba, labada dhinac ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray khilaafkii mudada dheer jiitamayay ee u dhaxeeyay labada dhinac.

Madaxweynaha dalka Koofurta Sudan Salva Kiir ayaa u magacaabay hogaamiyihii hore ee mucaaradka Riek Machar Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowladiisa maalin kadib markii ay gaareen heshiis dhismo dowlad midnimo qaran.

Heshiiska labada dhinac ayaa u qotoma in la wada-dhiso dawlad wadaag lagu yahay, sidoo Kale Madxweyne Salva-kiir ayaa aqbalay dalabkii ugu waynaa ee Mucaaradka isagoo gobolada dalka oo dhamaa 32 gobol kusoo koobay 10 gobol.

Maanta aya lagu waddaa in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada Cusub ee Dalka South Sudan , Sidoo kale Riek Machar ayaa isaggana loo dhaarinayaa Madaxweyne ku xigeenka South-Sudan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *